Dagaalka abaal marinta laacibka ugu fiican ee sanadkan 2017 oo durba bilaabatay….(Messi oo markan ka horreeya Ronaldo)

cre

(Europe) 10 Jan 2017. Sanadkii tagay ee 2016 wuxuu ahaa mid u wacan Cristiano Ronaldo isagoo ku guuleystay abaal marino badan oo ay ugu dambeysay midkii xalay lagu caleemo saaray ee laacibka ugu fiican adduunka ee FIFA.

Haddaba maadaama uu xirmay bogga sanadkii tagay ee lagu qadiyay Lionel Messi waxaa durba bilowday dagaalka loogu jiro abaal marinta laacibka ugu fiican ee sanadkan cusub 2017.

Waxaa la soo uririyay taariikho iyo tirokoob ku aadan bilowga xilli ciyaareedkan 2016-17 iyadoo ay is hayaan xiddigo waa wayn.

Messi ayaa kolkan ku horreeya abaal marinta loogu jiro sanadka cusub inkastoo ay wax kasta gadaal iska badeli karaan maadaama ay howshu bilow uun tahay.

Messi ayaa dhaliyay 25-gool ilaa iminka 22-kulan uu ciyaaray halka uu Ronaldo dhaliyay 17-gool 20-kulan uu ka soo muuqday Real Madrid.

Image result for ronaldo vs messi 2017 stats

Hoos ka aqri sida ay xiddigaha ugu kala horreeyaan ilaa iminka, goolashii la dhaliyay, kuwa la caawiyay iyo wixii la mid ah:

25 – Messi (22-Kulan).

20 – Aubameyang (22 apps)

17 – RONALDO (20 apps)

15 – Suarez (23 apps)

11 – Griezmann (23 apps)

6 – Neymar (20 apps)

Isku cel celis Daqiiqadaha ay ku qaadatay mid kasta inuu goolashaasi ku dhaliyo:

73.4 – Messi

94.6 – Aubameyang

104.3 – RONALDO

126.7 – Suarez

179.8 – Griezmann

297.3 – Neymar.

Caawinta la sameeyay:

13 – Neymar

7 – Messi

6 – RONALDO

6 – Suarez

6 – Griezmann

4 – Aubameyang.

Fursadaha la abuuray:

62 – Neymar

49 – Messi

41 – Griezmann

27 – Suarez

25 – RONALDO

24 – Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close