RASMI: Claudio Ranieri oo ku guulaystay tababaraha ugu fiican aduunka ee FIFA

(Zurich) 09 Jan 2017 FIFA oo bixinaysa abaal marinada sanadkii dhamaaday ee 2016 ayaa magacaawday tababaraha ugu fiican aduunka.

Tababaraha kooxda Leicester City ee Claudio Ranieri ayaa ku guulaystay abaal marinta tababaraha ugu fiican aduunka ee sanadkii dhamaaday.

Claudio Ranieri ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa Leicester City horyaalka ugu adag aduunka ee Premier League markii ugu horaysay taariikhda kooxda.

65 jirkaan reer talyaani ayaa ka dul qaaday abaal marintaan tababareyaal caan ah sida Zinedine Zidane oo kooxdiisa ku hogaamiyay Champions League iyo Fernando Santos oo xulkiisa Portugal u qaaday Euro 2016.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close