Mohd Faiz Subri oo ku guulaystay abaal marinta goolka ugu qurxoon sanadka (Muuqaal)

(Zurich) 09 Jan 2017 Laacibka reer Malaysia ee Mohd Faiz Subri ayaa ku guulaystay abaal marinta FIFA ee goolka ugu qurxoon sanadka.

Mohd Faiz Subri ayaa kubadd ka soo toogtay meel waxbadan ka fog goolka, isaga oo si cajiib ah u daba mariyay goolhayaha.

29 jirkaan ayaa ka dul qaaday abaal marintaan xiddiga reer Brazil ee Marlone iyo laacibada reer Venezuela ee Daniuska Rodriguez.

 

Mohd Faiz Subri ayaa helay 59.46% codadkii la dhiibtay, wuxuuna muujiyay inuu aad ugu faraxsanyahay ku guulaysiga abaal marinta Puskas ee goolka ugu qurxoon sanadka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close