Juventus oo horyaalka Talyaaniga ka dhigtay Taariikh aan ebid horey looga sameyn

c1rpwxsxaaqtiok

(Italy) 09 Jan 2017. Juventus ayaa gashay buuga rikoodhada adduunka Kaddib guushii ay xalay ka gaartay kooxda Bologna oo marti u ahayd.

Kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ebid taariikhda Serie A 26-kulan oo xiriir ah ku adkaato garoonkeeda horyaalka Talyaaniga.

Wiilasha Massimiliano Allegri ayaa adkaanayay kulan kasta ay ku ciyaareen taageerayaashooda hortooda sanadkii tagay 2016, wax dhibic ahna ma lumin kol kasta ay ku ciyaareen Juventus Stadium tan iyo bar-barihii 1-1 ay la galeen Frosinone bishii September ee 2015.

Juve ayaa afar dhibcood ka sarreysa kooxda ugu soo dhow iyadoo waliba kulan u sii harsan yahay waxayna maanka ku heysaa inay ku guuleysato Serie A markeedii lixaad oo xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close