DEG DEG: Ronaldo oo ku guulaystay laacibka ugu fiican aduunka ee FIFA

(Zurich) 09 Jan 2017 Xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA ayaa shaaciyay laacibka ku guulaystay xiddiga ugu fiican aduunka ee sanadkii dhamaaday.

Cristiano Ronaldo oo horay ugu soo guulaystay abaal marinta ay bixiso France Football ee Ballon d’Or ayaa ku guulaystay laacibka ugu fiican aduunka ee dhanka FIFA.

Sanad wanaagsan ayeey u ahayd Ronaldo sanadkii dhamaaday, wuxuuna kooxdiisa ku hogaamiyay Champions League isaga oo sidoo kale Euro u qaaday xulkiisa Portugal.

Cristiano Ronaldo ayaa ka dul qaaday abaal marintaan laacibka kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo laacibka Atletico Madrid ee Griezmann.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close