Arsenal oo kula loolamaysa Real Madrid saxiixa Andre Silva

Andre Silva celebrates after scoring

(London) 08 Jan 2017 Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in dhigeeda Real Madrid ay uga adkaato saxiixa laacibka FC Porto ee Andre Silva sida ay baahisay Daily Star Sunday.

Arsenal ayaa xiisaynaysa saxiixa laacibka reer Portugal ee Andre Silva, waxayna diyaar u yihiin inay 20 milyan oo Ginni ku soo qaataan bishaan janaayo.

Dhibaatada dhaqaale xumo ee haysata FC Porto ayaa keeni doonta in kooxdu ay iska fasaxdo dhawr laacib suuqa janaayo sida lagu sheegay warbixinta.

Photo published for Arsenal move for Porto sensation Andre Silva complicated

Balse ma fududaan doonto in Andre Silva uu katago FC Porto bishaan janaayo, Arsenal ayaana loolan adag kala kulmaysa kooxda Real Madrid.

Kooxda reer Spain oo ka ganaaxan suuqa janaayo ayaa awooda inay samayso saxiixyo suuqa dambe ee xaggaaga, taas ayaana ku qasbaysa Gunners inay dadajiso saxiixiisa bishaan.

Andre Silva ayaa 14 gool u dhaliyay kooxdiisa xiliciyaareed kan, Arsenal ayaana u aragta inuu yahay badalka ku haboon ee laacibkooda Alexis Sanchez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close