Wenger oo ka hadlay heshiis kordhinta Per Mertesacker iyo Santi Cazorla

Image result for per mertesacker, Cazorla and Wenger

(London) 07 Jan 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka hadlay heshiis kordhinta qaar kamid ah ciyaartoydiisa ka hor dhamaadka xiliciyaareed kan.

Qandaraaska Per Mertesacker iyo Santi Cazorla ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, mana muuqato dadaal ay Arsenal ugu jirto in laga saxiixo heshiis cusub.

Balse tababare Arsene Wenger ayaa sheegay in kooxdiisu ay haysato fursad ay heshiis cusub uga saxiixi karto labadaan laacib ka hor dhamaadka xiliciyaareed kan.

Image result for per mertesacker, Cazorla and Wenger

“Waxaan haysanaa dooq aan ku kordhisan karno heshiisyada Per Mertesacker iyo Santi Cazorla, waxaanan rumaysanahay inaan sidaas samayn doono” ayuu yiri Wenger oo ka hadlay heshiis kordhinta labadaan laacib.

“Waxaan doonaynaa inaan isku dheeli tirno dhalinyarada iyo ciyaartoyda khibrada leh ee kooxda, labadooduna taas muhiim ayeey u yihiin”.

Per Mertesacker iyo Santi Cazorla ayaa haatan dhaawac uga maqan Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close