“Waan ku faraxsanahay inaan soo taabto shabaqa Granada” – Karim Benzema

(Madrid) 07 Jan 2017 Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu soo taabto shabaqa kooxda Granada.

Real Madrid ayaa galabta 5-0 ugu awood sheegatay dhigeeda Granada oo marti u ahayd, Benzema ayaana ahaa dhaliyihii goolkii labaad ee Real Madrid.

Benzema ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu gool dhaliyo laakiin wuxuu sheegay in wax walba ay uga muhiimsantahay guusha ay gaartay kooxda.

“Waxaan dareemay farxad ku aadan goolkii aan dhaliyay, laakiin muhiimada ayaa ah in kooxdu ay gaartay guul isla markaana ay heshay 3-da dhibic ee ciyaarta” ayuu yiri Benzema.

“Waxaan dareemayaa inaan fiicanahay, dhamaan ciyaartoyda kooxdu waxay ku jiraan xaalad fiican, waxaan xooga saaraynaa sidii kooxdu ay ku gaari lahayd yoolkeeda isla markaana ay ugu tartami lahayd koobabka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close