“Waa uu ka qiimo badanyahay 4-Ballon d’Or” – Zidane oo amaan huwiyay Cristiano Ronaldo

(Madrid) 07 Jan 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa amaan huwiyay laacibka kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo.

Laacibka reer Portugal ayaa ku guulaystay laacibka ugu fiican aduunka ee 2016 markiisii 4-aad ee xirfadiisa laakiin Zidane ayaa aaminsan inuu ka qiimo badanyahay 4-Ballon d’Or.

Zidane ayaa sheegay in Ronaldo uu u qalmo hormarkii uu sameeyay sanadkii dhamaaday, wuxuuna intaa ku daray inuu aad ugu faraxsanyahay wax qabadkiisa.

“Qiimaha Ronaldo waa ay ka saraysa 4-Ballon d’Or, wuxuu qabanayaa wax yaabo cajiib ah, waan ku faraxsanahay isaga, waa uu u qalmaa inuu noqdo laacibka ugu fiican aduunka”.

“Dhamaan halkaan waa la faraxsanyahay, waxaan ku jirnaa xaalad fiican waxaanan doonaynaa inaan siiwadno, tani waa natiijada shaqadii dhabta ahayd ee aan qabanay, waxaa na sugaya cadaadis badan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close