RASMI: Kulankii Pescara vs Fiorentina oo la baajiyay

garon

(Italy) 07 Jan 2017. Waxaa si rasmi ah loo baajiyay kulankii beri dhex mari lahaa kooxaha Pescara iyo Fiorentina ciyaar ka tirsanayd horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga sababo la xiriira baraf xoogan oo ka da’aya halkaa.

Kulankan oo ahaa kii usbuucii 19-aad ayay ahayd in la baasto berito balse dib ayaa iminka loo dhigay.

24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa la warinayaa inuu baraf xoogan tumayay halkaa, waxaana la sheegay in xiddigaha kooxda Pescara ay tababarka ku sameynayeen GYM-ka gudihiisa.

Inkastoo garoonka Stadio Adriatico lagu dahaaray waxyaabo looga hortagayo barafka misane dhibaatadu waxay ka jirtaa bad-baadada taageerayaasha soo xaadiraya garoonka.

Waxaa la iibiyay in ka badan 10,000 oo tikidh oo kulanka Pescara iyo Fiorentina, laakiin maamulka gudaha ayaa dib u dhigay kulanka iyadoo la eegayo bad-baadada dadyowga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close