MUUQAAL: Bal daawo tan qabsatay Wayne Rooney kulankii dhawaa ee Reading…(Mid u ciyaari jiray Man City ayaa u diiday Maaliyadiisa)

capture

(England) 07 Jan 2016. Maalinka mid u wacan ayuu ahaa Wayne Rooney oo kooxdiisa ayaa u gudubtay wareega afaraad ee FA Cup kaddib guul wayn ay ka gaareen Reading, sidoo kale wuxuu soo bar-bareeyay rikoodhka Bobby Charlton ee laacibka ugu goolasha badan taariikhda Man United, laakiin waxaa sheekada kaga ciyaaray George Evans.

Markii ay ciyaartu dhammaatay ayaa waxay kaamirooyinka soo qabteen Rooney iyo da’yarkii hore ee Man City Evans oo xabadka is galinaya, dabadeed Rooney ayaa doonay inuu maaliyada ka badesho 22-jirka daafaca ka ciyaara.

Laakiin kabtanka xulka Ingiriiska ayaa waji gabax kala kulmay kaddib Evans oo diiday inuu maaliyada ka badesho Rooney oo ay da’yar badan ku taami jirtay inay maaliyadiisa mar uun helaan.

DAAWO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close