Mamadou Sakho oo looga gacan haatinayo isla Premier League

(Liverpool) 07 Jan 2017 Kooxda Southampton ayaa doonaysa daafaca kooxda Liverpool ee Mamadou Sakho kaas oo aan boos joogto ah ka haysan shaxda tababare Klopp.

L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in Southampton ay doonayso inay la wareegto daafaca reer France ee Mamadou Sakho kadib markii uu Fonte dalbaday in la fasaxo.

Kabtanka Southampton ee Jose Fonte ayaa u gudbiyay kooxdiisa dalab ah in la fasaxo, kooxda ayaana durba diirada saaratay badalkiisa oo ah Mamadou Sakho.

Sakho

26 jirkaan ayaa ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo kooxda tababare Klopp kadib markii ay isku dheceen, Klopp ayaana intabadan ku tiirsan daafacyada kala ah Matip, Lovren iyo Klavan.

Stoke City iyo West Brom ayaa dalab ka gudbiyay Sakho bishaan janaayo, sidoo kale kooxaha AC.Milan, Inter iyo Galatasaray ayaa lala xiriiriyay xiddigaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close