Arjen Robben oo aan iska fogayn u dhaqaaqida horyaalka Shiinaha

(Munich) 07 Jan 2017 Laacibka reer Holland ee Arjen Robben ayaa diiday inuu iska fogeeyo u dhaqaaqida horyaalka Shiinaha oo lacag badan looga doonayo.

Qandaraaska Arjen Robben ee kooxda Bayern Munich ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, mana jiro ilaa haatan hormar laga sameeyay wadahadalada heshiis kordhintiisa.

Arjen Robben ayaa diiday inuu si sax ah uga jawaabo wararka la xiriirinaya horyaalka shiinaha, wuxuuna cadeeyay in waqtigaan uusan waxbadan kala cadayn karin.

“Qof walba wuxuu leeyahay fikirkiisa u gaarka ah, suurogal ma ahan inaad tiraahdo horyaalka shiinuhu ma ahan dooq furan, sidoo kale ma awoodid inaad tiraahdo waxaan aadayaa halkaas” ayuu yiri Arjen Robben.

“Haatan waxaan joogaa Bayern Munich, dabcan waxaan qorshaynayaa mustaqbalka, xaaskeyga ayaan kala sheekeysanayaa waxa aan samaynayo, waan arki doonaa wixii dhaca kadib”.

Arjen Robben ayaa intaa ku daray inuu haysto fursad uu uga ciyaari karo Maraykanka ama shiinaha, sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay inuu dib ugu laaban karo dalkiisa hooyo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close