Zlatan Ibrahimovic oo Mkhitaryan iyo Pogba ku garaacay laacibka bisha ee Man United

(Manchester) 05 Jan 2017 Weerar yahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa ku garaacay qaar kamid ah ciyaartoyda kooxdiisa laacibka bisha ee United.

Zlatan ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guulo wax ku ool ah bishii dhamaatay ee December, waxaana abaal marinta kula tartamayay Mkhitaryan iyo Pogba.

Ibrahimovic ayaa helay codadkii ugu badnaa ee taageerayaasha Manchester United, waxaana ku soo xigay Mkhitaryan halka Pogba uu galay booska 3-aad.

Image result for Zlatan and Mkhitaryan

35 jirkaan ayaa u dhaliyay kooxdiisa bishii December 6-gool, wuxuua caawiyay 4-kale, taas ayaana keentay inuu ku guulaysto abaal marinta xiddiga bisha ee United.

Zlatan ayaa helay 38% codadkii la dhiibtay, Mkhitaryan ayaa helay 36% codadkii la dhiibtay, Pogba ayaa helay 26% codadkii la dhiibtay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close