Wenger oo ka dayriyay soo laabashada Santi Cazorla

Arsene Wenger issues worrying update on Santi Cazorla

(London) 05 Jan 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka dayriyay soo laabashada laacibkiisa qadka dhexe ee Santi Cazorla.

Xiddiga reer Spain ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka anqawga ah, waxaana la qorsheeyay inuu maqnaado mudo dhan 3-bilood.

Laakiin Wenger ayaa sheegay in Cazorla xaalkiisu uu liito isla markaana ay adlkaan doonto inuu soo laabto waqtigii horay loo qorsheeyay.

Photo published for Bola.net: Wenger: Move On, Arsenal!

“Waqtigaan la joogo ma dhawa soo laabashadiisa, soo kabsashadiisu uma socoto sidii la filaayay” ayuu yiri Wenger ka hor kulanka FA Cup-ka.

“Waxaa lagayaabaa in xoogaa uu ka sii dheeraado waqtigii la filayay soo laabashadiisa (3-bil gudahood), dhab ahaatntii ma garanayo waqtiga dhabta ah ee uu soo laabanayo”.

“Hubaal ma ciyaari doono bishaan janaayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close