Southampton oo xaqiijisay in kabtan Jose Fonte uu waydiistay in la fasaxo (Ogoow kooxaha doonaya)

Jose Fonte

(Southampton) 05 Jan 2017 Kooxda Southampton ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in kabtankooda reer Portugal ee José Fonte uu kooxda waydiistay in la fasaxo.

Qandaraaska 33 jirkaan ee kooxda Southampton waxaa uga harsan 18-bilood, waxaana si wayn u doonaya Manchester United, Liverpool iyo Manchester City.

Agaasimaha dhanka ciyaaraha ee Southampton Les Reed ayaa sheegay in Fonte uu fursad u haystay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda, balse wuxuu sheegay inuu dalbaday in lafasaxo.

“Wuxuu haystay fursado badan oo uu ku hormarin karay heshiiskiisa, xaq ayuuna u leeyahay inuusan sidaas samayn” ayuu yiri agaasimaha kooxda.

“Si cad ayuu u soo muujiyay sida uu u doonayo inuu ka faa’idaysto fursadiisa suuqa, taas waa mida aan haatan taaganahay, Jose Fonte wuxuu doonayaa inuu katago kooxda, wuxuu waydiistay kooxda in si rasmi ah loo fasaxo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close