SAWIRRO XUL AH: Maamulka gobolka Banaadir  oo casho sharaf u sameysay gabdhahii ku soo guuleystay tartankii maamul goboleedyada  kubadda koleyga

(Muqdisho) 5 Jan 2017.Ciyaartooyda gabdhaha  kubadda koleyga ee gobolka Banaadir ayaa xalay loo sameeyay casuumaad kaddib markii ay kusoo guuleysteen tatanka maamul goboleedyada kubadda Koleyga ee gabdhaha  Soomaaliya.

Casho sharaftaan ayaa waxaa u sameeyay maamulka gobolka Banaadir, mahadaama ay kusoo guuleysteen tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya.

Xaflada lagu dhiira galinayay gabdhaha kubadda koleyga ee gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay, masuuliyiin kala duwan sida guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xildhibaano, iyo qaar ka mid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Mudane Xasan Aadan Wiish oo ka hadlay goobta ayaa si weyn u dhiiro galiyay gabdhahii kusoo guuleystay tartanka maamul goboleedyada, isagoo sheegay in gabdhaha gobolka ay kasoo dhalaaleen waqtigii la galiyay

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Dr:Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in gabdhaha ay ka ballan qaadeen in ay u keeni doonaan koobka intii aysan ka amba bixin magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in waqti uu la qaato gabdho guul iyoo koob soo qaaday.

Masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa si isugu mid ah ugu wada hambalyeeyay gabdhaha kubadda Koleyga gobolka Banaadir, kuwaas oo dhawaan kusoo guuleystay tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya kaasoo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Garowe.

Maamulka Isportiga degmooyinka gobolka Banaadir iyo dhamaan wafdigii garowe ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaado sharaf oo uu ugu tala galay maamulka gobolka Banaadir.

img_6557

img_6559

img_6563

img_6564

img_6565

img_6566

img_6571

img_6574

img_6579

img_6580

img_6588

img_6592

img_6595

img_6600

img_6603

img_6612

img_6615

img_6616

img_6617

img_6623

img_6627

img_6631

img_6633

img_6660

img_6661

img_6669

img_6670

img_6671

img_6673

img_6675

img_6680

img_6682

img_6690

img_6699

img_6701

img_6707

img_6712

img_6738

img_6743

img_6745

img_6746

img_6747

img_6748

img_6752

img_6755

img_6756

img_6757

img_6758

img_6761

img_6765

img_6768

img_6769

img_6512

img_6772

SAWIR QAADE; Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close