RASMI: Kooxda Everton oo xaqiijisay saxiixa Ademola Lookman… + SAWIRRO

(Liverpool) 05 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Everton ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa Ademola Lookman, kaasoo ay beeca xorta ah kaga soo qaadatay naadiga Charlton Athletic.

19-sano jirkaan weerarka ka dheela ayaa la la xiriirinayey naadigan Toffees lagu naanayso usbuucyadii dhowaa, kooxda ka dhisan magaalada Liverpool ayaana xaqiijisay inuu Lookman qalinka ugu duugay heshiis afar sanadood iyo bar ah oo uu ku joogi doono garoonka Goodison Park.

Ademola ayaa kasoo tagay kooxda Charlton isagoo u dhaliyay 12 gool 49 kulan oo uu u saftay tartammada oo dhan.

Dhinaca kale kooxda Everton ayaa xaqiijisay in Ademola Lookman uu u xiran doono lambarka 31-aad.

SAWIRRO:

ademola-lookman-470

lookman-signs-470

c1avykixgaayqnf

c1awlgnwgaa1nus

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close