Maamulka gobolka Banaadir oo gacan ka geysanaya xaalada caafimaad goolhaye Axmed Cabdala

(Muqdisho) 5 Jan 2017.Goolhayihii qaranka Soomaaliya iyo kooxaha Elman iyo Jeenyo Axmed Cabdalle ayaa ku xanuunsanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Macallinkii xulka degmada Dharkeenleey ayaa saameyn ku yeeshay weerar  21-kii Janaayo 2016 lagu qaaday Liido Sea Food, xiligaas oo uu ku sugnaa .

Axmed Cabdalle ayaa ku faaftay suntan firirkii haleelyay sida uu inoo sheegay waxa uuna iminka ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Dr:Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ka hadlayay xaflad xalay ka dhacday xaunta gobolka isla markaana lagu dhiiro galinyay gabdhihii kusoo guuleystay tatankii maamul goboleedyada kubadda Koleyga ee gabdhaha  Soomaaliya ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu gacan weyn ka geysanayo daaweynta goolhaye Axmed kaasoo kusii jeeda dalka Turikiga.

Sidoo kale Guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Mudane Xasan Wiish ayaa Gool FM u sheegay in ay xanuunka  la qeybsanayaan macallinkii degmada Dharkeenleey, kaasoo dhiigiisa saameyn ku yeelatay suntan firirkii halleelay 21-kii Janaayo 2016

Sikastaba Axmed Cabadala ayaa inoo sheegay in bari oo jimco ah ka amba bixi doono magaalada Muqdisho isagoo ku wajahan dalka Turkiga si loogu soo daaweeyo

qaran

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close