Juventus oo ka jawaabtay dalabkii Real Madrid ee Paulo Dybala

(Torino) 05 Jan 2017 Kooxda Juventus ayaa ka jawaabtay dalabka Real Madrid ee la sheegay inay ku doonayso weerar yahankooda Paulo Dybala.

Real Madrid ayaa soo bandhigtay qorshe ah 77 milyan oo euro oo lagu daray Alvaro Morata si ay u hesho Paulo Dybala suuqa xaggaaga.

Laakiin Juventus  ayaa ka biyo diiday qorshaha la sheegay in Real Madrid ay damacsantahay, waxayna doonayaan in lacagta lagu lamaaniyo midkood Kroos ama Modric.

Image result for kroos and modric

Warka Juventus ayaa u muuqda inaysan diyaar u ahayn iibka Paulo Dybala kaas oo sidoo kale diirada u saaran kooxda Barcelona.

Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa aad ula dhacsan Paulo Dybala, wuxuuna dadaal u gali doonaa sidii uu u keeni lahaa Bernabeu.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close