James Rodriguez oo ugu dambeyn caddeeyay mustaqbalkiisa Real Madrid…(Miyuu ka tagayaa mise??)

james

(Madrid) 05 Jan 2017. Waxaa jiray qiyaas fikradeedyo laga qabay James Rodriguez iyadoo ay wada xiiseynayeen kooxaha Chelsea, PSG iyo Man United kaddib markii lagu soo bilaabay afar kulan oo qura qeybtii hore ee horyaalka La Liga kal ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer Colombia ayaa soo af jaray nux nuxda la isla dhex marayo isagoona caddeeyay inuu la sii joogayo Los Blancos.

25-jirka ayaa dowr wayn xalay uga ciyaaray kooxdiisa Real Madrid kulankii Copa del Rey ay saddexda gool uga adkaadeen naadiga Sevilla isagoona dhaliyay labo gool.

real5

Mar uu James la hadlay warsidaha beIN Sports kaddib kulanka ayuu yiri:

“Dhammaanteen waxaan markasta dooneynaa inaan ciyaarno.

“Laakiin iminka waan fiicanahay. Qofkasta wuu soo maraa waqtiyo adag iminkana waa sanad cusub waxaana leeyahay rabitaan cusub oo nolosheyda. Waan joogayaa, waan joogayaa.”.

Real Madrid ayaa xalay 3-0 kaga taqalustay Sevilla lugta hore ee wareega 16-ka Copa del Rey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close