“Innagu Mashiin ma nihin ee Bani’aadam baynu nahay.”. Gary Cahill

cahil

(London) 05 Jan 2017. Daafaca Chelsea Gary Cahill ayaa sheegay inaysan kooxdiisu ahayn Mashiin ama aalad kaddib guul daradii ka soo gaartay xalay Tottenham balse wuxuu qiray inay niyad jabsan yihiin.

Blues ayaa xalay qasadkeedu ahaa inay gaarto guusheedii 14-aad oo xiriir ah si ay rikoodh cusub ugu dhigto Premier League laakiin Dele Alli ayaa ka diiday oo labo gool ka xareeyay.

Yeelkeede, Cahill ayaa sheeganaya inay bani’aadam uun yihiin, wuxuuna carabka ku dhuftay inay kooxdiisu ka soo jawaab celin doonto guul daradan.

c1wxu_owqaytbfz

“Mashiin ma dhihin innagu isla mar ahaantaana waan niyad jabsannahay.” Cahill ayaa sidaa sheegay.

“Waxaan dareemayay sida inaan u adkeyn una dhaqsiyo badnayn sidii aan ahayn, baasas meelo bannaan la dhigo iyo taabashooyin yar oo culus.

“Waan yare ka gaabinay heerkii aan ahayn kal ciyaareedkan, heerkaaga maka gaabin kartid mararkan oo kale, ammaan bay mudan yihiin, si fiican ayay sameeyeen natiijadana way heleen.

Cahill oo warkiisa sii wata ayaa misane yiri:

“Waan ka niyad jabsannahay midaa, laakiin waxay ahayd kaddib guulo xiriir ah oo cajiib ah, waa hal kulan uun maskax ahaan nooma saameyn doonto.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close