Goorma ayuu Cristiano Ronaldo dib ugu soo laabanayaa shaxda Real Madrid????

zidne

(Madrid) 05 Jan 2017. Crisitiano Ronaldo ayaa ka mid ahaa dhowr ciyaartooy oo safka hore Real Madrid oo la nasiyay kulankii xalay ee Copa del Rey ay la yeesheen Sevilla iyadoo ay wararku soo jeediyeen inuu sii maqnaan karo kulanka xiga ay sabtida ku ciyaari doonaan Santiago Bernabeu.

Tababare Zidane ayaa iminka xaqiijinaya in xiddiga reer Portugal uu dib ugu soo laaban doono safka hore ee kooxdiisa kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan Granada.

Zidane: Ronaldo will play - he has had enough rest

“Ma nasin doono Cristiano Ronaldo sabtida,” Zidane ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

“Wuu ciyaari doonaa wuxuuna ciyaari doonaa kulamo badan oo ka harsan sanadka. Ha wal walina.

“Hal ciyaaryahan ayaa sameyn kara farqiga, sida uu Ronaldo markasta sameeyo oo kale, waa ciyaaryahan ka duwan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close