Wenger oo xaqiijiyay in kooxdiisu ay dhamaystirtay saxiixa Cohen Bramall

(London) 04 Jan 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay dhamaystirtay saxiixa daafaca kooxda Hednesford ee Cohen Bramall.

20 jirkaan ka ciyaara daafaca bidix ayuu aad ula dhacay tababare Wenger, waxaana la sheegay in maanta uu dhamaystiray ku biiridiisa Arsenal.

Wenger ayaa sheegay in Cohen Bramall uusan horay uga soo biiri doonin kooxda koowaad, wuxuuna cadeeyay inuu yahay Ashley Cole-ka cusub.

READ MORE: Arsene Wenger says he's not influenced by his critics at Arsenal

“Bramall? Heshiis ayuu noo saxiixay, waa xirfad le tayo leh jir ahaan” ayuu yiri Wenger xili uu la hadlay BeIN Sport.

“Ma aaminsani inuu maanta u diyaarsanyahay ka ciyaarida Premier League, waxay isku egyihiin Ashley Cole markii uu yaraa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close