Real Madrid oo diyaarinaysa dalab wayn oo ay ka gudbiso Paulo Dybala

paulodybala-cropped_1dg2aafsz6vdq1u4h6p7ea0h1b

(Madrid) 04 Jan 2017 Kooxda Real Madrid ayaa diyaarinaysa dalab wayn oo ay ka gudbiso weerar yahanka reer Argentina ee Paulo Dybala.

AS ayaa daaha ka qaaday in kooxda Real Madrid ay diyaar u tahay inay miiska u saarto dhigeeda Juventus lacag dhan 77 milyan oo euro iyo weerar yahankooda Alvaro Morata si ay u hesho Paulo Dybala.

Real Madrid ayaana u muuqata inay tahay kooxda hogaanka u haysa tartanka saxiixa weerar yahanka reer Argentina, waxayna loolan adag kala kulmayaan kooxda Barcelona.

dybala

Alvaro Morata ayaana dhankiisa qorshaynaya inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Juventus kadib markii uu boos ka waayay kooxda macalin Zidane sida lagu daabacay warar isbuucaan ka soo baxay talyaaniga.

Dalabka Real Madrid ayaa u muuqda mid Juventus ay ku qanci karto maadama ay isku helayaan lacag iyo Alvaro Morata.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close