“Inter kama rajo dhigin u soo bixida Champions League” – Joao Mario

جواو ماريو: الإنتر لم يفقد الأمل في التأهل لدوري الأبطال

(Milan) 04 Jan 2017 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Joao Mario ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka rajo dhigin u soo bixida Champions League ee xiliciyaareed kan.

Inter ayaa haatan 5 dhibic u jirta booska loogu soo baxo koobka horyaalada yurub, waxayna ku bilowdeen xiliciyaareed kan qaab liita.

Joao Mario ayaase aaminsan in kooxdiisu ay u soo bixi karto Champions League, wuxuuna cadeeyay in hamiga Inter uu yahay sidii kooxdu ay uga soo muuqan lahayd koobka horyaalada yurub xiliciyaareedka dambe.

“Xisaab ahaan wax walba waa suurogal, ka koox ahaan waan aaminsanahay nafteena, ani ahaan waan ku faraxsanahay la joogida kooxdaan” ayuu yiri Joao Mario.

“Hadafkeygu waa inaan hormariyo qaab ciyaareedkeyga iyo inaan soo tiigsano Champions League” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close