EPL: Tottenham oo guul ka gaartay kooxda Chelsea soona degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka, Blues oo laga horjoogsaday guulihii xiriirka ahaa, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Dele Alli… + SAWIRRO

(London) 05 Janaayo 2017 – Kooxda Tottenham Hotspur ayaa guul ka gaartay naadiga Chelsea oo ay soo dhowaysay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana Spurs ay soo degtay kaalinta saddexaad ee kala horreynta horyaalka Ingiriiska.

Qeybtii hore ee ciyaarta oo sii dhammaanaysa ayaa daqiiqadihii lagu kordhiyey dheesha waxaa goolka hore la timid kooxda Tottenham, waxaana u dhaliyey Dele Alli, kaddib markii uu madaxa la helay kubbad uu soo karsoosay Christian Eriksen, Tottenham oo 1-0 kulanka ku hoggaaminaysay ayaana la kala nastay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Tottenham ayaa goolka labaad la timid, waxaana markale u dhaliyey 54’daqiiqo Dele Alli, kaddib karoos kale oo uu ka helay Christian Eriksen oo sidaas ku sameeyey caawintiisii labaad ee kulankan, waxaana uu kulanka ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen wiilasha tababare Mauricio Pochettino.

Guushaan ayaa kooxda Tottenham Hotspur uga dhigan mid wayn maxaa yeelay waxa ay soo gabagabeeyeen rikoodhkii guuldarro la’aanta ee Chelsea oo caawa doonaysay inaan laga adkaan markii 14-aad oo xiriir ah, waxaana ay soo degtay Spurs kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo 42-dhibcood la wadaagta kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Man City.

SAWIRRO:

c1w1so1xaaaicaf

c1wsgwpwiaa4_ws

c1wshtcwgaa5nh1

c1wsjd0wqagzefq

c1wskpcxcaavh7s

c1wuzeswgaall9r

c1wvz5axcaa6cmz

c1wxu_owqaytbfz

c1wzwsowqayixif

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close