Yaa ka danbeeyay in James Rodriguez uu go’aansado sii joogista Real Madrid?

James Rodriguez, Real Madrid

(Madrid) 03 Jan 2017 Laacibka reer Colombia ee James Rodriguez ayaa go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Real Madrid suuqa kala iibsiga ee janaayo.

25 jirkaan ayaa si cad u sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa Real Madrid kadib markii keydka looga soo tagay Final-kii koobkii kooxaha aduunka.

Laakiin Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Zidane uu dadaal badan ku bixiyay sidii James Rodriguez uu ugu qancin lahaa inuu iska sii joogo kooxdiisa.

James 1

Zidane ayaa ku yiri James Rodriguez “Adiga ayaan kugu tiirsanahay”, wararka ayaa intaa ku daraya inuusan u balan qaadin boos joogto ah balse wuxuu u sheegay inuu dadaalo si uu u helo boos joogto ah.

Sidoo kale kabtan Ramos ayaa inbadan ka qayb qaatay in James Rodriguez uu maankiisa ka saaro inuu isaga tago kooxda suuqa kala iibsiga ee bishaan janaayo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close