SAWIRRO: Barcelona oo dib u soo dhaweysay weeraryahanadeeda MSN

(Catalonia) 03 Jan 2017. Barcelona ayaa dib tababarkeeda ugu soo dhaweysay weeraryahanadeeda MSN ka hor kulanka Copa del Rey ay San Mames kula yeelan doonaan Athletic Bilbao.

Lionel Messi, Neymar iyo Luis Suarez ayaa dhammaan dib uga soo laabtay fasax dheeri ah si ay u dhammeystiraan tababarka buuxa, iyagoo isku diyaarinaya kulanka ay khamiista la yeelan doonaan wiilasha Ernesto Valverde wareega 16-ka Copa del Rey.

Javier Mascherano ayaa sidoo kale dib ugu soo laabtay tababarka iyadoo uu Luis Enrique siyay shaxdiisa tababarka buuxa markii ugu horreysay sanadka 2017.

Kaliya goolhaye Jasper Cillessen ayaa ka maqnaa tababarka, maadaama goolwalaha reer Holland uu dhaawac kubka ah ku maqnaan doono labo usbuuc.

Barca ayaa kulanka Athletic kaddib la ciyaari doonta naadiga Villarreal horyaalka La Liga 8-da Janaayo.

SAWIRRO:

c1mbcn1w8aasfqs

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close