RASMI: Zenit iyo Tianjin Quanjian oo ka heshiiyay saxiixa Axel Witsel

(Saint Petersburg) 03 Jan 2017 Kooxda Zenit ee dalka ruushka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis la gaartay kooxda dalka shiinaha ee Tianjin Quanjian.

Labada kooxood ayaa ka heshiiyay iibka laacibka qadka dhexe ee reer Belgium Axel Witsel kaas oo qalinka ugu duugi doona kooxda horyaalka shiinaha heshiis 5 sano ah.

Kooxda Tianjin Quanjian ayaa mushaar ahaan u siinaysa Axel Witsel 300 kun oo euro isbuucii, waana mid kamid ah mushaarada ugu qaalisan kubadda cagta.

Аксель Витсель продолжит карьеру в Китае

Axel Witsel ayaa ku soo biiray kooxda Zenit 2012, wuxuuna u saftay ilaa waqtigaas 180 kulan isaga oo u dhaliyay 22 gool, wuxuuna caawiyay 13 kale.

27 jirkaan ayaa kula guulaystay kooxda dalka ruushka koobabka kala ah Horyaalka Ruushka, Russian Cup iyo Russian Super Cup.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close