RASMI: Leicester City oo dhamaystirtay saxiixa Wilfred Ndidi

(Leicester) 03 Jan 2017 Kooxda Leicester City ayaa dhamaystirtay saxiixa 20 jirka reer Nigeria ee Wilfred Ndidi sida lagu shaaciyay Bogga rasmiga ah ee kooxda Leicester.

Leicester City iyo kooxda reer Belgium ee KRC Genk ayaa kawada heshiiyay saxiixa Wilfred Ndidi, laacibka ayaana u saxiixi doona kooxda reer ingiriis heshiis waqti dheer ah.

Xiddiga reer Nigeria ayaa shuruuda gaarka ah kala heshiiyay kooxda Leicester, wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis ku eg ilaa 2022.

Kooxda ayaa sidoo kale shaacisay in Wilfred Ndidi uu xiran doono lambarka 25, tababare Ranieri ayaa u arka laacib kaan badalkii Kante kaas oo xaggaagii ku biiray kooxda Chelsea.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close