Griezmann oo ka carooday su’aalaha la xiriira mustaqbalkiisa

(Madrid) 03 Dis 2016 Laacibka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa muujiyay sida uu uga caraysanyahay wararka isdaba jooga ah ee la xiriira mustaqbalkiisa.

Antoine Griezmann ayaa lala xiriiriyay kooxda Manchester United oo la sheegay inay qiimo qaali ah ku dalban doonto suuqa kala iibsiga ee dhamaadka xiliciyaareed kan.

Balse xiddiga reer France ayaa sheegay inuusan jeclayn wararka la xiriira ka hadalka mustaqbalkiisa, wuxuuna intaa ku daray inuu aad ugu raaxaysanayo kooxdiisa Atletico.

“Ma jecli su’aalaha la xiriira musatqbalkeyga waayo ciyaartoyda sida Ronaldo, Messi iyo Bale lama waydiiyo halka ay aadayaan sanadka dambe, halka ay ka ciyaarayaan iyo halka ay joogayaan” ayuu yiri Antoine Griezmann.

“Waana taas sababta aanan u jeclayn ka jawaabida su’aashaas, waan ku faraxsanahay waana ku raaxaysanayaa Atletico Madrid, ha i waydiin mustaqbalkeyga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close