Felipe Melo oo ka tegay Inter dibna ugu laabtay Waddankiisa hooyo ee Brazil

c0ddvcsveaelzeo

(Milan), 03 Jan 2017  –Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee Felipe Melo ayaa ka tegay kooxda Inter, waxaana uu dib ugu laabtay waddankiisa Brazil isagoo heshiis la galay kooxda Palmeiras.

Melo oo 33 jir ah ayaa Inter ku soo biiray 2015  xilligaas oo uu ka yimid kooxda Galatasaray, balse Frank de Boer iiyo Stefano Pioli midkoodna uma helin boos uu ka dheelsiiyo.

Warar ayaa sheegayay in Melo uu ku socday kooxda Sao Paolo, balse waa uu hareer maray waxaana uu go’aansaday inuu aakhirkii ku biiro kooxda Palmeiras ee ay wada xafiltamaan ee iyana ka dhisan isla caasimadda, waxaana kooxdiisa cusub ay ku dhawaaqi doontaa si rasmi ula wareegiddiisa 24 saacadood ee soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close