Cristiano Ronaldo oo si rasmi ah u seegi doona kulanka Sevilla

cristiano-ronaldo-real-madrid-kashima-fifa-club-world-cup-final-18122016_il5efoh5hgwn1xjlt4kt3faqt

(Madrid) 03 Jan 2017 Wararka ka imaanaya Spain ayaa xaqiijinaya in Cristiano Ronaldo uu si lama filaan ah uga maqnaan doono kulanka habeen dambe ee Sevilla.

Real Madrid ayaa marti qaadi doonta habeen dambe kooxda Sevilla, lugta hore ee koobka boqorka Spain, Ronaldo ayaana ka maqnaan doona kooxda macalin Zidane.

Cristiano Ronaldo ayaa ka dalbaday tababare Zidane inuu siiyo nasiino kulanka Sevilla, si uu sifiican ugu diyaar garoobo inta ka harsan xiliciyaareed kan sida ay baahisay Marca.

cristiano-ronaldo-america-real-madrid-club-world-cup_1aif4cnmclbtk117kuvmje5ep5

Tababare Zidane ayaana aqbalay codsiga Cristiano Ronaldo, wuxuuna go’aansaday inu fasax siiyo kulanka ugu horeeya ee Real ay ciyaarayso 2017.

Waxaa kale oo kulankaas seegi doona Ramos, Pepe, Kovacic iyo Lucas Vazquez kuwaas oo dhamaantood dhaawac uga maqnaan doona kooxda tababare Zidane.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close