Arturo Vidal oo bixiyay qish wayn oo ah inuu ku biiri karo Chelsea….(Muxuu sameeyay??)

vidal

(Munich) 03 Jan 2017. Tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu dib ula bidoobo Arturo Vidal oo uu macallin ugu ahaa Juventus isla markaana ahaa shaqsiga markii horeba keenay kooxdaa.

Vidal ayaa dab ku shiday qiyaas fikradeedka laga qabay inuu ku biirayo Chelsea kaddib markii uu LIKE saaray war la xiriirinaya Blues oo la soo dhigay Instagram, taa oo u muuqata inuu ku faraxsan yahay inuu dib ula midoobo Conte.

vidall

Kaddib lacagihii 60-ka milyan ay Blues isaga iibisay Oscar, waxay doonayaa inay ka shaqeysiyaan  dalab bilow ah oo 34-milyan ay ka gudbiyaan xiddiga qadka dhexe ee reer Chile.

Laakiin Bayern Munich ayay u badan tahay inay soo diidi doonaan dalab ka yar 40-milyan.

Macallinka reer Talyaani ee Conte ayaa dareemi doona kalsooni inuu soo xero galin karo Vidal haddii ay Bayern Munich aqbasho dalabka.

Arturo Vidal liked an Instagram post linking him with a move to Chelsea

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close