Roma oo ku dhaw saxiixa Jese Rodriguez

Image result for Jese Rodriguez psg

(Roma) 02 Jan 2017 Kooxda Roma ayaa ku dhaw dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda PSG ee Jese Rodriguez kaas oo ku fashilmay la qabsiga kooxda reer France.

Jese ayaa ka soo dhaqaaqay xaggaagii kooxda Real Madrid markaas oo uu ku soo biiray kooxda PSG laakiin tababare Unai Emery ayaan la dhicin qaab ciyaareedkiisa.

Shabakada La Provincia ayaa daaha ka qaaday in kooxda Roma ay u soo bandhigtay dhigeeda PSG inay amaah ku qaadato Jese Rodriguez inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Related image

Roma ayaana doonaysa inay bixiso aduun dhan 3 milyan oo euro si Jese ay amaah ugu helaan 6-da bil ee soo socota sida lagu sheegay warbixinta.

Kooxda reer talyaani ayaana u muuqata koox kaga adkaatay saxiixa Jese kooxihii kula loolamayay sida Liverpool iyo Las Palmas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close