Real Madrid oo wajahaysa dhibaato daafac ka hor kulanka Sevilla

Image result for Sergio Ramos vs Sevilla

(Madrid) 02 Jan 2017 Kooxda Real Madrid ayaa wajahaysa dhibaato daafac ka hor kulanka ay marti qaadi doonto arbacada kooxda Sevilla koobka boqorka Spain.

Sergio Ramos ayaa la xaqiijiyay inuu ka maqnaan doono kooxdiisa Real Madrid kulanka Sevilla kadib markii laacibkaan uusan si buuxda uga soo kabsan dhaawicii soo gaaray.

Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Zidane uu kula heshiiyay kabtanka kooxda inuusan ciyaarsiin doonin kulanka lugta hore ee Copa del Rey.

ramos

Ramos ayaa sidaas ku helaya nasiino balaaran maadama sidoo kale uu ganaax ku seegi doono kulanka xiga ee Real Madrid ay marti qaadi doonto kooxda Granada ee horyaalka Spain.

30 jirkaan ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa kulanka lugta labaad ee Copa del Rey.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close