RASMI: Ryan Babel oo heshiis u saxiixay kooxda Besiktas

c1ksibswgaaulvr

(Istanbul), 02 Jan 2017    –Kooxda Kubadda Cagta Besiktas ee Waddanka Turkiga ayaa la soo wareegtay laacibka garabka iyo weerarkaba ka ciyaara ee Ryan Babel, waxaana ay la saxiixatay heshiis Laba sanadood iyo bar ah.

Babel, oo 30 jir ah ayaa  qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan ku soo qaatay Depotrivo La Coruna ka hor intii uusan qandaraaskiisu dhammaanin 31 December.

Deportivo waxa ay ku rajo weyneyd in Laacibkii hore ee Liverpool uu la sii joogi doono, balse Ryan waxa uu go’aansaday inuu u wareego Besiktas oo uu la joogi doono illaa 2019.

Babel oo u dhashay Holland ayaa ku soo biiray Deportivo Bishii September 2015 kaddib markii uu amaah uga yimid dhinaca kooxda Al-Ain ee Imaaraadka Carabta.

11 kulan oo Babel u dheelay Deportivo waxa uu u dhaliyay 4 gool isagoo 1 goolna ku caawiyay saaxiibadiisa kale.

Gool FM

Besiktas oo tijaabada caafimaad u maraya Besiktas

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close