Oscar oo si diirran loogu soo dhoweeyay kooxdiisa cusub ee Shanghai (waa imisa mushaarkiisa Isbuucii, Bishii iyo sanadkii?)

db99b

(Shanghai), 02 Jan 2017    –Laacibkii hore ee Khadka Dhexe ee kooxda Chelsea ee Ingiriiska Oscar ayaa saakay ka degay garoonka Shanghai International Airport ee waddanka Shiinaha si uu ugu biiro kooxdiisa cusub ee Shanghai SIPG oo dhowaan kula soo wareegtay 70 Milyan oo Euro.

Laacibka Reer Brazil ee Oscar ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka, waxaana taageerayaashii isugu soo baxay ay ku qaylinayeen ‘Oscar.. Oscar’, waxaana uu halkaa kula midoobi doonaa tababarihiisii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas.

Inkastoo Oscar uu weli 25 jir yahay haddana waxa uu Toddobaadkii mushaar ahaan u qaadan doonaa 500,000 oo Dollar (ku dhowaad 475,000 Euro), 1.9 Milyan oo Euro bishii oo noqonaysa ku dhowaad (22.8 Milyan oo Euro sanadkii).

Oscar ayaa sidaasi ku noqonaya xidiggii ugu qaalisanaa ee soo caga dhigta Horyaalka Shiinaha waxaana uu  Shanghai u saxiixay heshiis Laba sanadood iyo bar ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close