EPL: Liverpool oo barbaro kala kulantay kooxda Sunderland iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka… + SAWIRRO

(Sunderland) 20 Janaayo 2017 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbaro 2-2 kala kulantay Sunderland oo ay booqatay, waxaana Reds kulankan labo rigoore ka dhaliyey Jermain Defoe.

Liverpool ayaa goolka la horreysay waxaana 19’daqiiqo madax ugu dhaliyey Daniel Sturridge, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu soo tuuray Dejan Lovren, Reds ayaana kulanka ku hoggaamisay 1-0.

Kooxda Sunderland ayaa markeeda la timid goolka barbaraha, waxaana gool ku laad loo dhigay gool u bedelay Jermain Defoe, kaddib markii xerada ganaaxa dhexdeeda uu Ragnar Klavan ku jilaafay Ibrahim Didier Ndong, kulanka ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Liverpool ayaa goolkeeda labaad ee kulankan la timid waxaana u dhaliyey 72’daqiiqo Sadio Mane, kaddib markii uu kubadda ka helay meel ka dambeysa difaacyada, inkastoo xiddigaha Sunderland ay ku murmeen inuu garab dhaaf ahaa (Offside), Haddana garsooraha ayaa ansixiyey goolkaas kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 ay ku gacan sarreysay Reds.

Sunderland ayaa goolka barbaraha la timid waxaana uu ahaa gool ku laad kale oo loo dhigay, kaddib markii laad xor ah oo toos ah oo ay tuureen xiddiga Sunderland uu gacan ku celiyey Sadio Mane, waxaana gool ku laad kaas markale gool u bedelay 84’daqiiqo Jermain Defoe, kulanka ayaana sidaas ugu soo dhammaaday barbaro 2-2.

Kooxda Liverpool ayaa fadhisa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 44-dhibcood 20 kulan oo ay ciyaartay.

Kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka Premier League:-

Middlesbrough 0 – 0 Leicester City

Everton 3 – 0 Southampton

Manchester City 2 – 1 Burnley

West Bromwich Albion 3 – 1 Hull City

SAWIRRO:

c1llnclw8aamslt

c1llncyxaaaxea0

c1llnduwgaajuls

c1llndzwgae2t4e

c1lvh0uwgaaaavz

c1lvh01xcaaqmsm

c1lvh1owgayyvuz

c1lvh3vweaaxqkl

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close