Draxler oo soo gaaray Faransiiska si uu tijaabada caafimaad ugu maro PSG

c1ki7zlw8aadbp9

(Paris), 02 Jan 2017    –Laacibka Khadka dhexe ee Jarmalka Julian Draxler ayaa soo caga dhigtay garoonka Paris-Charles-de-Gaulle ee caasimadda Faransiiska si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxdiisa cusub ee PSG isla markaana u dhameystiro inta ka harsan heshiiskiisa.

Xidiggii hore ee Wolfsbourg, Draxler oo 27 kulan u saftay xulka Qaranka Jarmalka ayaa ka soo duulay magaallada Miami ee Mareykanka, halkaas oo uu maalmahaan fasax u joogay.

Ciyaaryahan Draxler (23 jir) oo ay  kooxda PSG ku soo gadatay 42 Milyan oo Euro ayaa waxaa mushaar ahaan bishii uu uga qaadan doona PSG 850,000 oo Euro oo ay ku jiraan canshuuraha, waxaana si rasmi ah maanta loogu xiri doonaa funaanaddiisa naadigaasi iyadoo saxaafaddana loo soo bandhigi doono.

Gool FM

Draxler oo soo gaaray PSG

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close