Diego Costa oo qiray inuu ku dhawaa ka tagista Chelsea suuqii xaggaaga

Diego Costa

(London) 02 Jan 2017 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa qiray inuu ku dhawaa ka tagista kooxdiisa suuqii xaggaaga.

Diego Costa ayaa ku dhibtooday nolosha magaalada London wuxuuna qorshaynayay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid oo uu ka soo tagay 2014.

Costa ayaa sheegay inuu ku dhawaa ka tagista Chelsea balse kooxdiisu ay hor istaagtay go’aankii uu doonayay inuu uga tago galbeedka London.

“Ma waxaan doonayay inaan baxo? Haa, haa, waxaan ku dhawaa inaan baxo laakiin taasi ma dhicin waayo Chelsea ayaa diiday” ayuu yiri Diego Costa.

“Waxaa jirtay hal sabab, waxaan doonayay inaan isbadal u sameeyo sababo la xiriira dhanka qoyska laakiin taasi ma dhicin, waana ku faraxsanahay halkaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close