Wakiilka Giovinco oo beeniyay inuu dib ugu laabanayo horyaalka talyaaniga

(Toronto) 01 Jan 2017 Wakiilka laacibkii hore ee kooxda Juventus Sebastian Giovinco ayaa beeniyay inuu dib ugu laabanayo horyaalka talyaaniga.

29 jirkaan ayaa u ciyaara haatan kooxda Toronto laakiin wakiilkiisa ayaa sheegay in laacibka reer talyaani uu ku faraxsanyahay kooxdiisa.

Wakiilka ayaa beeniyay in Sebastian Giovinco uu dalabyo ka helay kooxaha talyaaniga isaga oo ku tilmaamay wararkaas kuwo ka fog xaqiiqda.

Photo published for Toronto FC: Sebastian Giovinco Has no Plans to Leave…Yet

“Giovinco waqti fiican ayuu ku qaadanayaa kooxdiisa Toronto, mana rumaysni inuu haysto fursad uu dib ugu laaban karo talyaaniga mustaqbalka dhaw” ayuu yiri wakiilka laacibka.

“Ma jirto koox talyaani ah oo dalab soo hordhigtay, wararka sheegaya inuu dib ugu soo laabanayo talyaaniga waa kuwo been abuur ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close