Jesús Joaquín Fernández Sáenz de la Torre Suso oo ay dhici karto in boos kale laga ciyaarsiiyo mustaqbalka dhow!

(Milano) 01 Jan 2017 – Jesús Joaquín Fernández Sáenz de la Torre, oo loo yaqaanno Suso ayaa amaan ka mutaystay saxaafadda Talyaaniga iyo kuwa caalamiga ahba, iyadoo tan iyo imaanshihii AC Milan ee Vincenzo Montella uu laacibkani noqday tiir ka mid ah kuwa ay ku taagan tahay kooxdu, shakhsi ahaan iyo farsamo ahaanba.

Warsidaha Tuttosport ee Torino kasoo baxa ayaa sheegaya in sanadkan 2017 ay dhici karto in booska laga bedelo oo loosoo weraajiyo khadka dhexe.

Mister Montella ayaa horay laacibkan ugu tijaabiyay khadka dhexe kulamo saaxiibtinimo oo uu la dheeley Crotone iyo Bournemouth, wuuna kasoo dhalaayay Suso oo booskaas horay uga dheeli jirey koobka 19-jirrada Yurubka ku qaaday 2012.

Montella ayaan hadda u muuqanin mid ay hayso baahi uu berri iyo saadambe u bedelo booska Suso, lkn wuxuu Tuttosport sheegayaa inaan mustaqbalka dhow meesha laga saari karin aragtidaas, gaar ahaan haddii aan bishan laacibiin dhaqaaqaysa oo khadka dhexe ah la keenin Rossoneri, waxaa dhici karta inuu u shaqeeyo sida jookarka Giacomo Bonaventura, oo ah xirfadle marna gala khadka dhexe marna u dheela garab-weerar ahaan, taasoo kooxda siinaysa fursad kale oo dhanka taatikada ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close