Antonio Conte oo taariikh ka dhigaya Premier League!

(London) 01 Jan 2017 – Antonio Conte ayaa taariikh ka dhigay Premier League kaddib markii ay Chelsea isku xirtey 13 kulan oo xiriir ah oo wada badis ah.

Blues ayaa xalaytoole 4-2 ku dardartay kooxda Stoke City taasoo u ogolaatay inay bareejayso rikoodhkii abadiga ahaa ee ay horay u dhigtay Arsenal fasalkii 2001-02.

Waloow ay Arsenal samaysay 14 kulan oo xiriir ah, misna waxay taasi ka kala tirsanayd laba kal-ciyaareed, balse Blues waa hal fasal dhexdiis, iyagoo haddii ay Arbacada garaacaan Tottenham Hotspur jebin doona rikoodhka Premier League.

Wuxuu Conte sidoo kale bartilmaameedsanaya rikoodhka Pep Guardiola ee abadiga ah kaasoo ah 19 kulan oo xiriir ah oo badis ah oo uu ka dhigay Bundesliga xilligiisii Bayern Munich.

Caadiyan, waxay natiijooyikani Chelsea ku hayaan figta sare ee taxa kala sarreeynta horyaalka EPL, iyadoo la qaban waayay tan iyo guuldarradii Arsenal, waxayna kooxda Stamford Bridge dhalisay 32 gool, halka laga xareeyay 4 gool oo qura.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close