Tababaraha Chelsea Conte oo rumeysan la’ howsha ay wadaan horyaalka Shiinaha

contee

(London) 31 Dis 2016. Macallinka reer Talyaani ee kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa su’aal galiyay anshaxa horyaalka Shiinaha ee lacagaha waalida ah ku doonaya ciyaartoyda ka dhisan Yurub.

Oscar iyo Carlos Tevez ayaa dhawaan ku biiray horyaalka Shiinaha iyadoo uu weeraryahanka reer Argentina uu noqday laaicbka ugu mushaarka badan ebid kubbada cagta halka midka reer Brazil uu isna noqday kan labaad ee ugu mushaarka badan.

Image result for Oscar and Tevez

Cristiano Ronaldo ayaa iska diiday dalab waali ah uu ku noqon karay laacibka ugu qaalisan adduunka oo kaga yimid Shiinaha sida uu wariyay wakiilkiisa.

Conte ee guulaha la taaban karo ilaa iminka ku hogaamiyay Chelsea tan iyo sidii uu u qabtay horaanta kal ciyaareedkan ayaa aamini la’ howsha ay wadaan Shiineesku.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay sheeko aan macquul ahayn, waxaan ka hadleynaa lacago aad iyo aad u badan, ma doonayo inaan rumeysto midan,” Conte ayaa sidaa yiri ka hor kulanka maanta ee Stoke City.

“Ma doonayo inaan aamino midan, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay inaan ka hadleyno lacago aad u badan taa oo aan sax ahayn.

“Waxaan arkay heshiiskii ugu dambeeyay , kii ugu dambeeyay ee Carlos Tevez, waxaan aaminsanahay inaan ka hadleyno lacago aad u badan, dalabka ceynkan oo kale ah suuro gal ma ahan wayna adag tahay inuu ciyaaryahan diido.

“Laakiin waa inaan noqdaa mid daacad ah, waxaan aaminsanahay inaysan sax ahayn, sax ma ahan, maxaa yeelay waa inaad tixgalisaa lacagta intaa kaddibna haddii ay  jiraan dalabyadan….. laakiin kuma raacsani, kuma raacsani xaaladan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close