Sergio Aguero oo ku soo laabtay tababarka Man City kaddib ganaaxii lagu diray, diyaarna u ah kulanka caawa ay la leeyihiin Liverpool… + SAWIRRO

(Liverpool) 31 Dis 2016 –  Sergio Aguero ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Manchester City, kaddib markii uu dhammaystay ganaaxii lagu riday, waxaana xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin Man City uu kala soo muuqday tababarkii ugu dambeeyey.

Kaddib markii weeraryahankan laga ganaaxay afartii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay kooxdiisu ciyaartay ayuu diyaar u yahay inuu dheelo kulanka ay martida u yihiin caawa Liverpool ee Premier League.

Sergio Aguero ayaa ganaaxan afarta kulan ah gacanta loo galiyey kaddib markii uu si xun u jilaafay David Luiz kulankii ay la yeesheen Chelsea horraantii bishan, waxaana uu seegay afarta kulan ee Premier League oo ay kooxdiisa Man City la kala ciyaartay kooxaha Hull City, Arsenal, Watford iyo Leicester City.

Raheem Sterling, Kevin De Bruyne, Bacary Sagna, Pablo Zabaleta iyo John Stones ayaa dhammaantood sawirro laga soo qaaday iyagoo tababarka la qaadanaya weeraryahanka reer Argentina ee Aguero.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

aguero

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close