Kooxaha Barcelona & AC Milan oo isku haysta daafaca Serge Aurier

(Paris) 31 Dis 2016 – Warsidaha L’Equipe ayaa sheegaya in kooxaha AC Milan iyo Barcelona ay xiisaynayaan dadabka midig ee Paris Saint-Germain ee Serge Aurier.

Kooxda Rossoneri ayaanse lug dhaqaajin karin ilaa uu ka dhamaado iibkeeda Chinese-ka oo la sugayo bisha Maarso, balse Barcelona, ayaa dhanka kale, waxay diyaar tahay isla suuq-jiilaalkan.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Ivory Coast ayaa 24 jirsanaya maalmo yar kahor isagoo PSG ku biiray bishii Luulyo 2014, iyagoo markaa kasoo amaahday Toulouse kaddibna ku iibsaday €10m.

Fasal-ciyaareedkan wuxuu Aurier saftay 16 kulan tartamada oo idil, isagoo dhiibay 4 kubadood oo gool loo sarrifay.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close