“Kama fikirayno kulamada Chelsea” – Sadio Mane

Image result for Sadio Mane Chelsea

(Liverpool) 31 Dis 2016 Weerar yahanka kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu aysan inbadan ka fikirayn guulaha Chelsea.

Liverpool ayaa caawa marti qaadi doonta kooxda Man City oo ay hal dhibic ka sarayso, laakiin Sadio Mane ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka fikirin kulamada kooxda hogaanka haysa ee Blues.

Sadio Mane ayaa intaa ku daray inay xili hore tahay ka hadalka wixii dhici doona bisha May ee sanadka cusub markaas oo la ogaan doono kooxda hananaysa horyaalka.

Image result for Sadio Mane Chelsea

“Kama fikirayno kulamada Chelsea iyo koox kale, kaliya waxaan ka fikiraynaa kulamadeena iyo waxyaabaha aan doonayno inaan gaarno” ayuu yiri Sadio Mane.

“Wali waa waqti hore in laga hadlo wixii dhici doona bisha May, laakiin hamigeena wuxuu yahay inaan gaarno ilaa meel fog”.

“Waxaan doonaynaa inaan qabano shaqo fiican oo aan ka farxino taageerayaasheena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close