Jose Mourinho oo meel iska dhigay Ronaldo iyo Messi isagoo Zlatan Ibrahimovic ku sheegay…..

josee

(Europe) 31 Dis 2016. Jose Mourinho ayaa aaminsan in Zlatan Ibrahimovic yahay gool dhaliyaha ugu fiican isagoo meel iska dhigay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo 9-kii sano ee ugu dambeeyay kala qeyb sanayay abaal marinnada ugu sarreysa kubbada cagta.

Ibra ayaa hal gool oo qura u jira inuu gaaro rikoodhka Messi ee 51-gool uu dhaliyay sanadkan ay maanta ka harsan tahay.

Joog dheeraha reer Sweden ayaa 33-gool u soo dhaliyay sanadka 2016 kooxdii uu ka soo tagay ee PSG halka uu u dhaliyay Man United 17-gool.

Image result for Jose and Ibrahimovic

Jose ayaa Masiibo ku tilmaamay haddii uu dhaawac ka soo gaaro Zlatan uu ku sheegay gool dhaliyaha ugu fiican.

“Sida cad waxay noqon doontaa masiibo, laakiin taasi waa kubbada cagta goolasha uu dhaliyay kuwa lama filaan ah ma ahan,” Jose ayaa sidaa yiri.

“Spain, Messi iyo Ronaldo rigoorooyin badan ayay dhaliyaan. Waa ciyaartooy cajiib ah oo ay goolashooda ku jiraan rigoorooyin badan.

“Halkan Ingiriiska, Zlatan wuxuu saftay 18-kulan iyo hal rigoore oo qura, ma sahlana in goolal la dhaliyo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close